Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada Somaliland oo si adag uga jawaabtay Hadallo Laf-jaba oo ka soo yeedhay Xukumada Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
Xukumada Somaliland oo si adag uga jawaabtay Hadallo Laf-jaba oo ka soo yeedhay Xukumada Farmaajo
yurub.jpg
Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Somaliland Yurub Abiib Cabdi, oo u jawaabaysa wasiir ka haweenka ee dowlada Soomaaliya Xaniifa Xaabsade, ayaa tidhi “Somaliland iyo Soomaaliya shaqo iskuma laha”.Wasiirada ayaa sheegtay in wasiirka haweenka Soomaaliya aanu masuul ka ahayn haweenka Somaliland.

“Soomaaliya iyo Somaliland shaqo iskuma laha, Soomaaliya waa waddan aanu mar hore kala tagtay, waxan u arka uun in riyadii ay reer Soomaaliya ku riyoon jireen uun in gabadhaasi ay ka hadashay” ayay tidhi.

“Way riyoonaysa, malaha waxay u haysataaba in ay haweenka Somaliland wakiil ka tahay” ayay hadal keeda sii raacisay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegtay in wasiirada haweenka  Soomaaliya anay wali fahmin in Somaliland ay madax banaantahay.

“Wali may fahmin in Somaliland ay tahay qaran madax bannaan, marka murankii Soomaaliya ka jiray uunbay gabadhaasi ka hadashay” ayay tidhi.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegtay in Somaliland tahay meel sharci leh, oo qofku wax dooran karo lana dooran karo, isla markaana Soomaaliya anay ahayn meel doorasho lagu gali karo.

“Somaliland waa meel sharci leh oo dastuur leh, oo qaran leh, qofka muwaadin ka ahi waxna wuu dooran kara waana la dooran kara, kootada iyaga waxa ku kalifaya waa dhul nabadi anay ka jirin, oo aan la odhan karin waa dowlad” ayay tidhi

Hadalka wasiir ku xigeenka ayaa yimid kadib markii wasiir ka haweenka dowlada Soomaaliya Xaniifa Xaabsade, ay sheegtay in doorashooyinkii Somaliland aan loo dhamayn madama oo dumar badani kusoo bixin doorashooyinka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this