Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Umushay Toban Carruur Ah Dalka Koofur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Pretoria)-Gosiame Thamara Sithole, oo 37 jir ah, ayaa ku dhashay toddobo wiil iyo saddex hablood kadib markii lagu sameeyay qalliinka Caesarean cisbitaal ku yaalla Pretoria, South Africa.

Aabbaha carruurtan Mr Tsotetsi ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Pretoria News dhalashadii carruurtiisa habeenimadii Isniinta, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay.

Mr Tsotetsi wuxuu yidhi: ‘Waa toddobo wiil iyo saddex hablood. Waxay ahayd uur toddoba bilood iyo toddoba maalmood ah.

Mar ay la hadlaysay wargeyska ka hor dhalashada, Ms Sithole, oo waliba leh mataano lix jir ah, ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu markii hore u sheegeen inay uur lix carruur ahleedahay .

Laakiin baadhitaan dambe ayaa muujiyay inay uur leedahay sideed carruur ah.

Waxay ahayd markii qalliinka lagu guda jiray in la arkay labada carruur ee kale.

Ms Sithole ayaa umushay tobankan carruurta ah bil uun kadib markii haweeney reer Maali ah ay ku umushay dalka Marooko siddeed carruur ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this