Sign in to follow this  
Deeq A.

Duullimaad Caalami ah oo laga daah-furay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
2-13.jpg?resize=960%2C501&ssl=1

Dowladda Puntland ayaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ka daah-furtay, Duullimaad Caalami ah, oo ay soo kordhisay Shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines.

Duullimaadkan ayaa noqonaya mid isku-xiraya magaalada Shaariqa oo ka tirsan waddanka Imaaraatiga Carbeed iyo Boosaaso, iyadoo Diyaaradda ka timaadda Shaariqa ay toos u tegi doonto Boosaaso, islamarkaana uga sii gudbi doonto Muqdisho.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley), ayaa si rasmiya u daah-furay Duullimaadkan oo todobaad kasta Maalinta Talaadada ay Diyaaraddu ku tegi doonto Boosaaso.

Waxaa naga go’an in aan horumarino duulimaadyada Gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Puntland si ay ugu fududeeyaan isu socod dadka reer Puntland ee ukala safraya dunida dacaladeeda.” Ayuu yiri Wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Duullimaad Caalami ah oo laga daah-furay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this