Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
2-15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka Covid19.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this