Sign in to follow this  
Deeq A.

Antonio Guterres Oo Mar Kale Loo Doortay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  waxa ay xalay u codeeyeen inuu Antonio Guterres xilkaasi sii hayo shanta sanno ee soo socota.

Danjiraha Dowladda Estooniya u fadhiya Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay, Ambassador SEVEN JURGENSON oo ah Guddoomiyaha bishan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa akhriyey Qaraarka ka soo baxay Golahaasi oo tirsigiisu ahaa 2580.

Waxa uu ku dhawaaqay Dib-u-doorashada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Bortiqiiska oo uu xilli hawleedkiisa labaad u bilaaban doonto bisha Janaayo Kowdeeda ee sannadka soo socda ee 2022-ka ilaa bisha December ee sanadka 2026-ka.

Dhinaca kale, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay bishan June 18-da kulan ka yeeshaan Dib-u-doorashada labaad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Antonio Guterres oo 72-sano jir ah waxa uu Xoghayihii Guud ee 9-aad ee Qaramada Midoobay noqday sanadkii 2017-kii, wuxuuna horey muddo 10-sano ahaa Madaxii Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Waxa kale oo uu soo noqday Ra’isul-wasaarihii dalka Bortiqiiska muddadii u dhexeysay sanadihii 1995-kii ilaa 2002-dii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this