Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Aan Ilaa Hadda Ka Hadal Doorashooyinkii Dalka Ka Qabsoomay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaan ilaa hadda ka haddal doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka qabsoomay toddobaadkii hore,kuwaas oo ku qabsoomay si nabad ah, isla markaana natiijooyinkii hordhaca ahaa ay ku dhawaqeen Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo la filayey in uu ka hadlo qaabka ay u dhaceen doorashooyinkaas iyo natiijooyinka hordhaca ah ee laga soo saaray ayaan weli ka hadlin,taas oo ay si weyn isku weydiinayaan bulshada reer Somaliland waxa uu uga hadli waayey,balse xoggo hoose oo uu Wargeyska Waaberi ka helay illo wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu maal-maha soo socda ka hadli doonno doorashooyinkii Degaanka iyo Wakiillada siday u dhaceen iyo natiijooyinka ay soo saareen guddida doorashooyinka Qaranka Somalland iyo arrimo kale.

Dhanka kalene Guddoomiyaha ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo ka hadlay doorashooyinkii Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka dhacay iyo natiijadda ay soo saareen guddida Doorashooyinka Qaranku, ayaa sheegay in Xukuumadda ahaan iyo Xisbi ahaan ay ku faraxsan yihiin sidii ay u dhaceen doorashooyinkaas,isla markaana ay Somaliland guul gaadhay

Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere ayaa yidhi sidan:- “Waxa inoo soo gebogebowday doorashooyinkii Somaliland ka dhacayey ee isku sidkanaa,doorashadii Golaha Barlamaanka iyo Golaha Degaanka,Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin,doorashadaasu sidii ay u dhacday.”

Waxa uu intaas ku sii daray Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere “Doorashadii wey inoo soo gebogebowday golihii degaanka iyo Golihii Barlamaankaba, waxa inoo taal sidaa nabad-gelyadda ah ee ay inoogu soo gebogebowday in aynu ku tashano.”ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this