Sign in to follow this  
Deeq A.

Antonio Guterres oo mar kale loo doortay Xog-hayaha Qaramada Midoobau

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa xalay mar kale u doortay in Antonio Guterres xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha Dowladda Estooniya u fadhiya Xarunta Dhexe ee QM, Ambassador SEVEN JURGENSON oo ah Guddoomiyaha bishan ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa akhjriyey Qaraarka ka soo baxay Golahaasi oo tirsigiisu ahaa 2580.

Waxa uu ku dhawaaqay Dib-u-doorashada Xoghayaha Guud ee QM oo u dhashay dalka Bortiqiiska oo uu xilli hawleedkiisa labaad u bilaaban doonto bisha Janaayo Kowdeeda ee sanadka soo socda ee 2022-ka ilaa bisha December ee sanadka 2026-ka.

Antonio Guterres oo 72-sano jir ah waxa uu Xoghayihii Guud ee 9-aad ee QM noqday sanadkii 2017-kii, wuxuuna horey muddo 10-sano ahaa Madaxii Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

PUNTLAND POST

The post Antonio Guterres oo mar kale loo doortay Xog-hayaha Qaramada Midoobau appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this