Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Imtixaanaadka Somaliland ka joojisay Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah joojisay in Imtixaanaadka Somaliland la keeno Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa lagu amray dhammaan mas’uuliyiinta Sanaag iyo Haylaan u qaabilsan Puntland, in ay hor-istaagaan Imtixaanaadka Somaliland.

Wasiirka Waxbarashada oo ka soo jeeda Sanaag ayaa saamayn xooggan ku leh Gobolkaas, waxaana lagu xasuustaa in dadaalkii uu geliyay in Ciidamo badan oo Sanaag u dhashay ka soo baxaan Somaliland, islamarkaana ku biiraan Ciidamada Puntland.

1-11.jpg?resize=526%2C681&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Imtixaanaadka Somaliland ka joojisay Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this