Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano KULMIYE Ah Oo Taageeray Faratoon

Recommended Posts

Deeq A.   

Shan Xildhibaan oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye kana soo jeeda Sool, ayaa sheegay in ay isku raaceen in Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) inuu noqdo murrashax Golaha Wakiillada ee meteli doona dadka Gobollada Bariga.

Axmed Xasan Casoowe oo ka mudane ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo u hadlay Xildhibaannada shanta ah, ayaa sheegay in ay ka digayaan in Kursigaas cid kale qaadato, madaama oo ay Somaliland kuraasta saami qaybsi lagu qaybsado.

Hadalkan Shan Xildhibaan ee Kulmiye ayaa ku soo beegmaya xilli Isbahaysiga Mucaaradku u qorshaynayaan Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, madaama oo ay leeyihiin aqlabiyadda Golahaasi.

Mr. Khaliif, oo ah murrashax ugu cad cad ee dhinac mucaaradku wataan, ayaa waxa ay isku deegaan hoose ka soo jeedaan Yaasiin Faratoon oo ah Murrashax uu wato Xisbiga Kulmiye, oo aan isagu aqlabiyad uu Faratoon Guddoomiye kaga dhigo aan haysan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this