Deeq A. Posted June 8, 2021 Qoys Muslim ah oo lagu xasuuqay Dalka Canada Haweeney & ilmaheeda oo wada murugoonaya Afar ruux oo isku qoys ah ayaa lagu diley weerar gaadmo ah, iyagoo ku dhex jiray gaari ay wateen. Weeerarka ayaa ka dhacey magaalada London ee gobolka Ontario ee dalka Canada. Waxaa ka badbaadey weerarkaas wiil sagaal jir ah, oo uu soo gaarey dhaawac halis ah, kaasoo haatan lagu dabiibayo isbitaalka. Nin labaatan sano jir ah ayaa loo xirey weerarkan dadka lagu laayey, iyadoo lagu soo oogay eedeyn ah inuu afar ruux diely, halka mid kalana uu dhaawacay Weerarkan ayaa ahaa kii uggu xumaa oo soo wajaha bulshada Muslim-ka ee reer Canada, tan iyo sanadkii 2017-kii, markaasoo magaalada Quebec masjid ku yaalla lagu diley lix ruux. Booliiska ayaa sheegay in weerarkan loogga shakisan yahay inuu la xiriiro arrimo argagaxiso, iyagoo intaa ku darey in sidoo kale loo maleynayo danbi naceyb dhanka isirka ah. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites