Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Puntland oo bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
lacag-shilin-soomaalia.jpg?resize=640%2C

Qaar kamid ah Ganacsatada Puntland, ayaa bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ay ka socon-wayday gudaha Puntland.

Xubno ka tirsan Ganacsatada ayaa u sheegay Puntland Post in laga aamin-baxay isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah, islamarkaan aysan hadda ka shaqayn dhammaan magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale, guddiga xukuumadda Puntland u xil-saartay socod-siinta Lacagta Shilinka oo go’aanno kala duwan ka soo saaray arrintan ayaan weli isbeddel muuqda keenin.

Tallaabadii u dambaysay oo guddigaas qaaday waxay ahayd xannibaad uu saaray Dollar-ka danabaysan ee mobile-ka la isu’gu diro, taas oo wixii hal dollar ka la joojiyay, inkastoo aysan faa’ido soo kordhin.

Waxa xusid mudan, in go’aankaas u dambeeyay uu culays horleh ku keenay Ganacsiga iyo iibsiga adeegyada as’aasiga u ah nolosha dadweynaha.

PUNTLAND POST

The post Ganacsatada Puntland oo bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this