Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Maxamed Biixi Haaruun oo ka hadlay Tartanka Xilka Maayernimo ee Hargeysa+Sadexda Musharax ee la kala wato

Recommended Posts

Deeq A.   
Siyaasi Maxamed Biixi Haaruun oo ka hadlay Tartanka Xilka Maayernimo ee Hargeysa+Sadexda Musharax ee la kala wato

 

 haaruun.jpg
Intii ay soo baxday natiijada doorashadii gobolka M/jeex, waxa soo xoogaysanaaya olole ku saabsan meeyarnimada Hargeysa oo sadexda xisbi kala wattaan. In kasta oo aanay xisbiyadu rasmi u shaacinin shakhsiyaadka ay wax u doonayaan, hadana waxa magaalada ku badan saddex magac – Cabdikariim A. Mooge (Waddani), C/raxmaan Soltelko oo Kulmiye ay rabaan in ay soo celiyaan, iyo nin kale oo magaciisa la iigu sheegay Siciid C/samad oo UCID ka socda. Sidoo kale, waxa aan maqlayaa Kulmiye in aanay Soltelko isku raacsanayn oo nin kale oo Siciid Jaamac lagu magacaabo uu isna safka hore ku jiro.
Si kastaba, hadal gun buu leeyahay ee waxa xoog u adkaan doonta in Mooge oo daafaha iyo daamaha Hargeysa oo dhan laga doortay, lagu bedelo xildhibaan jifo, oo qoyskoodu doortay, oo dhawr kun oo cod dirqi iyo tu xun ku keenay. Xaaladda taas oo kale ah ma ahayn cidda xilkaas qabanaysaa in ay muran gasho, laakiin degmadeena wax u gaar ah ayaa jira. Haa, wax u gaar ah baa jira oo jilayaasha siyaasaddu badiyaa ma tix geliyaan rabitaanka dadweynaha, mana xishoodaan, tixgelin la’aanta iyo xishood darada ayaana sabab u ah dhaqamo badan oo aynu aragno/maqalno.
Waxa qoray

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this