Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo mar kale magacaabay Agaasimeyaal cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1622991313064.jpg?resize=720%2C50

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Maxamed Xayir Ducaale.

Sidoo kale wareegto kale oo uu soo saaray Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri ”ka dib markii uu tixgeliyay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay Saciid Cabdullaahi Calasow”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa todobaadkii hore sidan oo kale Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka & Daryeelka Bulshada.

Magacaabista Agaasimeyaasha cusub ayaa kusoo aadaysa, iyada oo todobaadkii hore Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray warqad uu golihiisa wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda uga joojiyay magacaabista xilalka iyo in ay gaaran go’aan uusan ogayn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Go’aankaas ayaa lagu sheegay in uu fududeynayo wadashaqeynta, isla-xisaabtanka laamaha amniga dowladda iyo in aan la qaadan go’aan saameyn siyaasadeed ku yeelan kara dalka, xiligaan lagu kala guurka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo mar kale magacaabay Agaasimeyaal cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this