Deeq A. Posted June 6, 2021 Hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku hananayaan hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka. Labada xisbi ayaa haysta aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaannada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Labada Xisbi ayaa magacaabay guddi 10 xubnood ka kooban oo ay ugu magacdareen guddiga isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ee hoggaaminta hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Somaliland oo sameystay isbahaysi siyaasadeed appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites