Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Somaliland: Golayaasha Wakiillada iyo Deegaan ee Maroodi-jeex iyo Hargeysa oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
  • PhotoCollage_20210606_033935120.jpg?resiBarkhad Batuun (bidix) iyo Cabdikariin Mooge (midig)

Natiijada golayaasha Wakiillada iyo Deegaank ee gobolka Maroodi-jeex iyo degmada Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo sugayay ayaa goordhaweyd lagu dhawaaqay.

Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa loo kala helay sidan.

Kulmiye: 8
Waddani: 7
Ucud: 5

Golaha Golaha Wakiillada Maroodi-jeex waxaa ku jira Barkhad Batuun oo ahaa musharaxii ugu hadal haynta badnaa doorashada Somaliland, wuxuuna helay codad ka badan 20 kun.

Golaha Wakiillada Maroodi-jeex waxaa ku jirta hal xubin oo haween ah, waana haweeneyda kaliya ee 82 xubnood ee Golaha Wakiillada Somaliland ka soo baxday, taas oo ku jirtay golihii hore.

Magacyada xubnaha Golaha Wakiillada Maroodi-jeex

Kulmiye

1. Axmed Maxamed Maxamuud
2. Axmed Cabdi Muuse Cige
3. Cabdikariin Maxamed Muxumed
4. Yaxye Cabdillaahi Aamiin Ismaaciil
5. Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax
6. Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo
7. Axmed Yuusuf Nuur Guruuje
8. Cabdillaahi Sh. Muxumed Axmed.

Waddani

1. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
2. Axmed Dayib Aadan Guuleed (Ku caddeeye)
3. Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye ”Sokeeye”
4. Jamaal Aadan Diiriye Ciise
5. Eng. Axmed Cabdi Ibraahin Cige
6. Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi Budul
7. Ibraahin Maxamed Jaamac.

Ucid

1.Cabdinaasir Yuusuf Cismaan
2. Maxamed Khadar Daahir Mooge
3. Maxamed Jaamac Ismaaciil
4. Maxamed Cismaan Maxamed
5. Maxamed Xasan Siciid

Dhanka kale Golaha Deegaanka Hargeysa oo ka kooban 17 xubnood ayaa xisbiyadu u kala heleen sidan.

Waddani: 7
Kulmiye: 6
Ucid: 4

Golaha Deegaanka Hargeys waxaa ku jira Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga Waddani oo helay codadkii ugu badnaa ee musharax Somaliland helo, kaas oo helay 26, 296 cod.

Magacyada Golaha Deegaanka Hargeysa.

Waddani

1. Cabdikariin Axmed Mooge
2. Yaasiin Cumar Yare .
4. Faysal Cabdiraxmaan
5. Cabdi Maxamed Faarax
6. Mawliid Maxamed Giire
7. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed.

Kulmiye

1. Aadan Jaamac Modeeye
2. Siciid Jaamac Cali
3. Cabdiraxmaan Soltelco.
4. Jamaal Cismaan Cabdille
5. Axmed Juxa
6. Maxamed Abiib Siikaawi.

Ucid

1. Siciid Cabdisamed Cudhay
2. Xuseen Ibraahim Askar
3. Cabdikariin Xasan Garas
4. Khadar Axmed Cumar


PUNTLAND POST

The post Doorashada Somaliland: Golayaasha Wakiillada iyo Deegaan ee Maroodi-jeex iyo Hargeysa oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this