Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Natiijada doorashadii caasimada Somaliland oo lagu dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa hadda lagu dhawaaqaya natiijada doorashadii golaha deegaanka degmada Hargeysa ee caasimada Somaliland, oo saacadihii u dambeeyay si weyn loo wada sugayay.

Natiijada la shaacinayo ee degmada Hargeysa ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee degmooyinka si horudhac ah loo shaaciyo, maadama degmooyinka iyo gobolada kale ee Somaliland lagu dhawaaqay natiijooyinkii horudhaca ahaa ee golayaasha deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saddexda xisbi oo si weyn ugu loolamay magaalada Hargeysa ayaa waxa hogaanka u haya xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo helay 7-Xubnood, waxaa ku xiga xisbiga Kulmiye oo isaguna helay 6-Xubnood, halka xisbiga Ucid uu helay 4-Xubnood.

Natiijada golaha deegaanka Hargeysa ee lagu dhawaaqay ayaa ka dhigaysa mid uu hogaanka ku qabanayo Waddani, ayada oo maalmihii u dambeeyay uu tirinta codadka hogaanka u hayey xisbul xaakimka Kulmiye.

Doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland ee toddobaadkii hore ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland ayaa aheyd mid si weyn indhaha loogu hayey, waxaana codeeyay dad ka badan 1-Milyan oo qof.

Waxaa saacadaha soo socda ayadana la filayaa in guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqan natiijada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex.

The post DEG DEG: Natiijada doorashadii caasimada Somaliland oo lagu dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this