Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: sida Xisbiyadu u kala heleen Kuraasta Golayaasha Wakiilada & Degaanka ee la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   
 Warbixin: sida Xisbiyadu u kala heleen Kuraasta Golayaasha Wakiilada & Degaanka ee la shaaciyey
xisbiyada.jpg
Waxaa lagu dhawaaqay 19 Degmo-doorasho golayaashooda deegaanka oo noqonaya guud ahaan 203 Kursi, Waxaan halkan ku eegi doonaa Sida ay Sadexda Xisbi qaran u kala heleen oo noqonaysa Sidan:-
■ KULMIYE 87 Xildhibaan Golle Deegaan
■ WADDANI 72 Xildhibaan Golle Deegaan
■ UCID 44 Xildhibaan Golle Deegaan.
Waxaa kale oo la shaaciyey Natiijooyinka hordhaca ah ee Shanta gobol ee kala ah Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, iyo Awdal Waxay Sadexda Xisbi qaran ka kala haystaan 82 Xubnood ee golaha Wakiilladu ka kooban yahay Sidan:-
■ WADDANI 24 Kursi.
■ KULMIYE 22 Kursi.
■ UCID 16 Kursi.
Waxa qudha ee Isha lagu hayaa waa Natiijada Hor-dhaca ah ee kasoo baxda Degmo-doorashada Hargaysa iyo Gobolka Maroodi-jeex ee Wakiillada oo go’aamin doona cidda ay raaci doonto Aqlabiyada Kuraastu.
Goor-dhow ayaan halkan idinku soo gudbin doonaa wararka kasoo kordha Natiijooyinka la sugayo ee hanaga Fogaanina.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this