Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax la aaminsan yahay in uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, ayaa goordhaweyd ka dhacay Ex-Contorol Afgooye ee magaaladdda Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo laga raaco daadiidka BL-ka ee aada Afgooye, sidoo kale ah suuq lagu gado kalluunka iyo hilibka, waxaana ka dhashay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la ogayn tirada rasmiga ah.

Xiliga qaraxu dhacay waxaa goobta maray gaari ciidan oo ay wateen askar ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya, lamana oga bartilmaameedka qaraxa in uu ahaa gaarigaas iyo in kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin qaraxa ka dhacay Ex-Contorol Afgooye ee magaaladdda Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this