Deeq A. Posted June 5, 2021 Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhawaqa qarax xooggan ayaa laga maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu qaraxa fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa. Qofka qaraxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay Goob laga raaco Gadiidka aada degmada Dharkeenleey, gaar ahaan isgoyska Macalin Nuur, isla markaana dhagxaan ay ku xireen laamaha Amniga Soomaaliya. Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah. Xilliga uu qofka isku qarxinayey halkaas ayaa waxaa meesha taagnaa gaari ay saarnayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Militariga lamana oga haddii uu qofka is qarxiyey bartilmaameedkiisu uu ahaa Ciidamada Dowladda. Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, waxaana la joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Isgoyska Ex-Control oo markii horeba qeyb ahaan u xirnaa sababo la xiriiro dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye. Muddooyinki dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badinayey dadka is qarxinayo ee ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada Dowladda si weyn uga hor tageyn gawaaridii qaraxyada lagu fulin jiray ee soo geli jiray Magaalada. The post DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites