Deeq A. Posted June 5, 2021 Qarax bam-gacmeed ah oo habeenimadii xalay lagu qaaday gaari marayay caasimadda Afganistan ee Kabul ayaa waxaa ku geeriyooday gabar saxafiyad ah oo u shaqeyneysay TV maxalli ah iyo hooyadeed, waxaana ku dhaawacmay walaasheed. Mina Khairi ayaa u shaqeyneysay Ariana News seddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta TV-gaas. Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta Afghanistan ayaa bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyay geerida gabadhaas suxufiyadda ah iyo hooyadeed. Sidoo kale, ururka ayaa si adag u cambaareeyay qaraxa lagu dilay gabadha weriyaha waxaana ay ku baaqeen in dowladd u si dhab ah u baarto dhacdadaas. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan, waxaana ugu baaqeynaa dowladda inay si dhab ah u baarto” ayay ku yiraahdeen qoraalka. PUNTLAND POST The post Suxufiyad ku dhimatay qarax ka dhacay Afganistan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites