Sign in to follow this  
Deeq A.

Suxufiyad ku dhimatay qarax ka dhacay Afganistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax bam-gacmeed ah oo habeenimadii xalay lagu qaaday gaari marayay caasimadda Afganistan ee Kabul ayaa waxaa ku geeriyooday gabar saxafiyad ah oo u shaqeyneysay TV maxalli ah iyo hooyadeed, waxaana ku dhaawacmay walaasheed.

Mina Khairi ayaa u shaqeyneysay Ariana News seddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta TV-gaas.

Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta Afghanistan ayaa bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyay geerida gabadhaas suxufiyadda ah iyo hooyadeed.

Sidoo kale, ururka ayaa si adag u cambaareeyay qaraxa lagu dilay gabadha weriyaha waxaana ay ku baaqeen in dowladd u si dhab ah u baarto dhacdadaas.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan, waxaana ugu baaqeynaa dowladda inay si dhab ah u baarto” ayay ku yiraahdeen qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Suxufiyad ku dhimatay qarax ka dhacay Afganistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this