Deeq A. Posted June 5, 2021 Wararka ka imaanaya degaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal culus oo soo gaaray xalay xilli dambe uu ku dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed. Labada maleeshiyo Beeleed oo isku heysta dhul ku yaal tuulooyinka lagu dagaalamay ayaa dagaalkooda waxaa uu yahay mid soo laab laabtay, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 2 Ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen. Dadka degaannada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in xalay xilli dambe uu dagaalka joogsaday, hayeeshee weli la dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed. Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug weli dagaalkaas kama hadlin, waxaana sidaan oo kale uu dhowr jeer dagaal Beeleedka uu uga dhacay degaano u dhow Deegaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites