Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad Adag Oo Ka Taagan Gobolka Tigray Ee Waqooyiga Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tigray)-Xaalad adag oo bani’aadanimo ayaa laga soo sheegaya Gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, iyadoona ay soo xoogeysanayaan baaqyada ku aaddan in si deg-deg ahi colaadda loo joojiyo.

Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa gaadhay Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray-ga, kuwaa oo sida la soo sheegayo u baahan gargaar deg-deg ah.

Dhibaatooyinka sii kordhaya ee gobolkan ka taagan ayaa ka dhalatay isku dhacyada u dhaxeeya Militariga Itoobiya iyo maleeshiyada taabacsan TPLF.

Madaxa Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobey, Mark Lowcock ayaa sheegay in boqolaal kun oo qof ay xaalad macluul ahi ku wajahayaan gobolkaasi, ka dib billooyin ay colaaduhu socdeen.

Mark Lowcock ayaa ka digay dib u soo noqoshada macluushii darneyd ee dalkaasi ku dhufatay sanadkii 1984-kii, isagoona ku baaqay xabad joojin deg-deg ah oo waqooyiga Itoobiya looga dhawaaqo.

Dadka wajahaya xaaladda adag ee ka jirta gobolka ayaa u muuqdo kuwo go’doon ka jira.

Dhinacyada ay colaaddu u dhaxeyso ayuu Mark Lowcock ugu baaqay inay shaqaalaha gargaarka u ogolaadaan inay si buuxdo u taggi karaan goobaha rayidka.

Dhanka kale Mark Lowcock ayaa sheegay in si deg-deg ah loogu baahan yahay lacago, si loo taageero dadaalada gargaarka bani’aadanimo lagu gaarsiinayo kuwa u baahan.

Toddobadii bilood ee colaaddu ka jirtay gobolkaasi ayaa waxaa meesha ka baxay adeegyadii caafimaadka iyo dalagii beeraha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this