Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Xaali Mustafe Iid, iyo wiilkeedii yaraa Barkhad yare. #MAANSO: “HANKAAGUNA WAA CIRKAAS.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hooyo Xaali Mustafe Iid, iyo wiilkeedii yaraa Barkhad yare.
#MAANSO: “HANKAAGUNA WAA CIRKAAS.”
• Hobeeya hobeey hobeeya
• Habeen-dhaladoow hobeeya
• Hankii ummaddoow hobeeya
• Hobeey Barkahdoow hobeeya
• Waxaan kugu habi samaane
• Aniga hadalkayga qaado
• Hadaaq oo weri dabeeto
• Huf iyo been waa la dhaafay
• Huuhaadii waa la duugay
• Hoosiiskii waa la feydey
• Cadceedda hortaada taagan
• Sedkeedii bay haleeshay
• Runbaa lagu heesi maanta
• Hubaaleey qaado taada
• Hobeey Barkhadoow hobeeya
• Hillaac baxayoow dhegeyso
• Hadraawi siduu mar sheegay
• Hargeysi waxay dednaato
• Xumaanta ku huursanaato
• Hanqaar onkod baa ku yeedhay
• Hambaabirtay oo ka booddey
• Mar kale hurdadii ka toostay
• Hobeey Barkhadoow hobeeya
• Hu’gaygiiyoow dhegeyso
• Halkaygii waan ku toosay
• Anigu hadafkaygii gaadhey
• Dad haadaan lagu xereeyey
• Huq iyo ciil uu ku raagey
• Hankoodii dhaawac qoomay
• Hashoodii oo dhalaysa
• Hadhuub inta uu ka buuxsho
• Hortooda nin uu ku maali
• Weliba hiinsiga u diidi
• Hujuun ugu dari dabeeto
• Hiirtaanyo ku seexda fiidka
• Waqood hagardaamo haysey
• Horseedkoodaad ahayde
• Hankayagii waa rumoobay
• Hobeey Barkhadoow hobeeya
• Miiraale hugmoow dhegeyso
• Kuwii haybta igu soocay
• Adoo halal dheer dhashooda
• Kuwii hoos kuu dhigaayey
• Harraati miyaad ku jiidday
• Ninkii shalay ii hanjabayey
• Habaaska miyuu cantuugay
• Hortooda runtii ma keentay
• Hobeey Barkhadoow hobeeya
• Hubkaygiiyoow dhegeyso
• Dadkaaga u hiili dhaaxo
• Jidkaad ku hagayso dooro
• Hirkaad fananayso guudka
• Hoggaa ka sokeeya daawo
• Jeedaali hummaagga leexsan
• Hareeraha fiiri waaga
• Hanuuni bahdaa hanuuni
• Hankooda la wiiqay dhaahi…
• Hiraal iyo guul u muuji
• Kurtood waa wada hormuude
• Halyeey iyo waa nindoore
• Hargaantiyo waa akhyaare
• Ka tuur heeryadan la saaray
• Dhacsii halgan weeye noloshu
• Hullaabta la saaray xoor dheh
• Hafriinyaha qaata diid dheh
• Halgaad quudhsiga la eego
• Hobeey Barkhadoow hobeeya
• Magool la huboow dhegeyso
• Markay hawl noqoto xaajo
• Hibiyo ay noqoto xeelad
• Ninnaba kaagama horreeyo
• Hoggaami dadkaba hoggaami
• Hufnaantu ku dooro dawga
• Halbeegga ka yeel cadaalad
• Hobeeya Barkhadoow hobeeya
• Hammiga laabtoow dhegeyso
• Hanuuni waqaa hanuuni
• Hogaanka u tuur bahdaada
• Hadhkiyo ugu yeedh hilaadda
• Hayaanka la gaadh rugtiisa
• Hir doogliyo gee ramaaska
• Hadhaadiga eexda quuta
• Hareerta ka dhaaf ciyoonba
• Hadhuudhka cunsii firkooda
• Hobeeya Barkhadoow hobeeya
• Haraga jiidhkoow dhegeyso
• Hangoolkiyo gudinta qaado
• Ka kici habbisada dushooda
• Nimaan hadlin hooyadiiba
• Ma siiso waxay u hayso
• Hurdada yaan lagugu gaadin
• Xaqaa kuu hiilin doona
• Horraan-qaad baad ahayde
• Hilinka aad eegga qaadday
• Horiyo ugu soco hortaada.
• Hankaguna waa cirkaase
• Halbeegaaguna cadaalad

Waxa curiyey: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this