Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Dowlad Goboleedyada Daacadda u ah Farmaajo Ula Jiifteen Guddiyada Doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Toban maalin ayaa laga joogaa tan iyo markii la saxiixay is-afgaradkii lagu dhameystirayey heshiiskii September 17 iyo talooyinkii guddiga farsamo ee Baydhabo 16, laakin sidaa ay tahay ilaa hadda waxaa la dhameystiri la’ýahay guddiyadii doorashadii ee FIET iyo SEIT, waxaana sababta leh xukuumadda Rooble iyo maamul goboleedyada daacadda u ah madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Heshiiskaas kadib, arrimaha ay aheyd in si dhaqso ah loo guda galo waa in la badalo guddiyadii lagu muransanaa isla markaana la magacaabo guddiyo cusub, ilaa hadda waxaa badalay, guddiyo cusubna sameeyey Jubbaland, Cabdi Xaashi, guddoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta Somaliland iyo maamulka Puntland.

Jubbalabd: 1-dii June 2021, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay Guddiga doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka, xubnaha waa 12.

Cabdi Xaashi: 2-adii June 2021: Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey lix xubin oo guddiga doorashada ah, 4 xubin oo SEIT iyo 2 xubin oo FIET ah guddida doorashada iyo midka khilaafaadka.

 Puntland: 2-bada June, 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa isna magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee SEIT oo gaaraya 8 xunbood.

Waxaa xusid mudan in maamullada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed oo laga la’yahay soo gudbisa liiska guddiyada doorashada, oo lagu daray dowladda federaalka ah ay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee soo gudbiyey guddiyadii hore ee u badnaa ciidanka, shaqaalahooda iyo taageereyaasha Farmaajo.

Waxaa jira warar sheegaya in ay doonayaan in dib usoo celiyaan qaar ka tirsan 67 xubnood oo cabasho ka keeneen saamileyda siyaasadda, loona arkay in aaney qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah, oo ay daacad u yihiin Farmaajo.

Daahidda Rooble, Guudlaawe, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ay daahinayaan guddiyada doorashada waxay dib u dhigi kartaa 60-kii cisho ee la lahaa waxaa lagu soo afjarayaa doorashada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this