Sign in to follow this  
Deeq A.

SACIID DENI oo shaaciyey waxa dhici kara haddii la fulin waayo heshiiskii doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo ka qeyb-galay munaasibad soo dhoweyn ah loogu sameeyay degmada Qardho, ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligaan mareyso meel halis ah oo loo baahan yahay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u istaagan si xal buuxa loo gaaro.

Waxa uu ka digay halista ka dhalan karta haddii uu fuli waayo heshiiskii doorashada ee dhawaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Benaadir ay ku saxiixeen magaalada Muqdisho.

“Marxalad adag ayuu marayaa dalka weli, marxalad noocii Dowladnimo oo aan sugeynay wali wada-hadal uu ka socdo ayuu marayaa. Soomaaliya waxay ku dhici doonta god weyn haddii la fulin waayo heshiiskii,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay madaxweynaha maamulka Puntland muhiimada uu leeyahay heshiiskii ay ku saxiixeen Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka, kaasi oo soo afjaray khilaaf muddo badan ka taagna hanaanka doorashada.

Heshiiska doorashada ee dhawaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Benaadir ku saxiixeen magaalada Muqdisho ayaa rejo cusub dhaliyey, xili uu dalka galay xaalad hubanti la’aan ah.

The post SACIID DENI oo shaaciyey waxa dhici kara haddii la fulin waayo heshiiskii doorashada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this