Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijooyin cusub oo doorashooyinka wakiilada Somaliland oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada kala duwan ee maamulka Somaliland waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo Isniintii la soo dhaafay si habsami leh uga dhacday magaalooyinka maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey natiijada Golaha Wakiillada gobolka Togdheer, waxaana hoggaanka u hayo xisbiga Waddani oo bilihii ugu dambeeyey halkaas ka wado olole xooggan, waxaana codadka loo kala helay sidan:

Waddani 7

Kulmiye 4

UCID 4

Sidoo kale Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Borama xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa ka helay tiro xildhibaano ah oo 5 iyo 5 ah halka xisbiga UCID uu helay 3 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Burco ayaa waxaa hoggaaminayo xisbiga Waddani oo helay 5 xildhibaan halka xisbiyada UCID iyo Kulmiye ay kala heleyn min 4 xubnood .

Dhinaca kale natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Sanaag oo lagu dhawaqay waxa hogaaminaya xisbiga Waddani oo helay 5 xildhibaan, Kulmiye ayaa kusoo xiga oo helay 4 xildhiban, halka xisbiga UCID uu ka helay 3 xildhibaan.

Waxaa ilaa hadda la shaaciyey 39 xildhibaan oo saddex Gobol ka yimid, kana tirsan Golaha Wakiilada, waxayna xisbiyada u kala heleyn sidan:

Waddani: 16
UCID: 10
Kulmiye: 13
Isu geyn: 39

Tirada Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland waa 82 xildhibaan; Waxaa la sugayaa natiijada Gobollada: Saaxil (10), Awdal (13) iyo Maroodijeex (20).

The post Natiijooyin cusub oo doorashooyinka wakiilada Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this