Deeq A. Posted June 4, 2021 Doha (Caasimada Online) – Qatar waxay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso quwadaha gobolka si loogu guuleysto ammaan iyo xasillooni, waxaa sidaas sheegtay afhayeenka wasaaradda arrimaha Dibedda Qatar Lolwah Al-Khater. Lolwah Al-Khater oo wareysi siisay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik ayaa sheegay n dhex-dhexaadintan ay qeyb ka tahay dowladda Mareykanka iyo ururka muqaawamada Falastiin ee Xamas. Lolwah ayaa ka jawaabeysay su’aal ku saabsaneyd suurta-galnimada ah in Doha ay dhex-dhexaadiso kooxda wax iska caabinta reer Falastiin ee Xamas iyo Washington. Mareykanka ayaa Xamas ugu yeera urur argagixiso, wuxuuna si aad ah u taageeraa dowladda Yahuudda ee gumaadka ku haysa Falastiiniyiinta. Qatar ayaa iyana dhankeeda taageerta Xamas, ayada oo siisa dhaqaale, sidoo kalena hoggaamiyayaasheeda ku marti-gelisa Doha. Ma cadda haddii Mareykanka ay ogolaan doonaan wada-hadal ay la galaan Xamas, maadaama ay saameyn badan ku leedahay Israel. Afhayeenka wasaaradda arrimaha Dibedda Qatar Lolwah Al-Khater, waxaa sidoo kale wax laga weydiiyey haddii dhex-dhexaadin loo sameeyo quwadaha gobolka ee Iran iyo Saudi Arabia ay suurta-gal tahay. “Tani weli la iskuma soo qaadin hase yeeshee qatar waxay soo dhoweyneysaa suurta-galnimada arrintan,” ayey tiri, ayada oo carabka ku adkeysay muhiimadda wada-hadal lala yeesho Iran oo ku saabsan “in sida nabad ah loogu wada noolaado gobolka.” Lolwah ayaa sidoo kale sheegtay in casuumada ay Qatar u dirtay madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi si uu usoo booqdo Doha ay weli furan tahay, ayna taariikhda booqashadan kala shaqeyn doonaan Qaahira. The post Xamas iyo Mareykanka oo la dhex-dhexaadinayo appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites