Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ka tirsan Gorgor oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellada Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
20210603_185734.jpg?resize=720%2C566&ssl

Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax oo ahaa taliyihii ururka 6-aad guutada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta lagu dilay gadaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

Dilka sarkaalka waxaa xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo yiri “Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab galabta ayuu geeriyooday isaga oo cadawga la dagaalamaya oo dalkiisa iyo dadkiisa difaacaya”.

Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ciidamo dhawaan tababar ku soo qaaday dalka Turkiga.

Geerida marxuum Cabdiwahaab ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo baraha bulshada ee Soomaalida.

Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Taliye ka tirsan Gorgor oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this