Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey iyo Xisbiga ku horreeya natiijada doorashada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada kala duwan ee maamulka Somaliland waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo Isniintii la soo dhaafay si habsami leh uga dhacday magaalooyinka maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa illaa iyo hadda si horudhac u shaaciyey natiijada  13 degmo oo ka mid ah meelaha ay ka dhaceen doorashooyinka.

Natiijada lagu dhowaaqay waxaa ku horreeya xisbiga Kulmiye, laakin marka la’isku daro xisbiyada mucaaradka Wadani iyo UCID ayaa helay xubnaha ugu badan golayaasha deegaanka.

Degmooyinka sida horudhaca ah natiijadooda loo soo badnhigay ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin:-

1- Saylac (Kulmiye 4, Wadani 4, UCID 3).
2- Lughaya (Kulmiye 5, Wadani 2, UCID 2).
3- Sallaxley (Kulmiye 4, UCID 3, Wadani 2).
4- Buuhoodle (Wadani 5, Kulmiye 4, UCID 2).
5- Laascaanood (Kulmiye 5, Wadani 5, UCID 3).
6- Xudun (Kulmiye 7, Wadani 2, UCID 0).
7- Taleex (Kulmiye 6, Wadani 3, UCID 0).
8- Gar-adag (Kulmiye 4, Wadani 3, UCID 2).
9- Sheekh (Kulmiye 3, Wadani 3, UCID 3).
10- Baligubadle (Wadani 5, Kulmiye 4, UCID 2).
11- Caynabo (Kulmiye 4, UCID 3, Wadani 2).
12- Oodweyne (Wadani 6, Kulmiye 4, UCID 1).
13- Ceel Afweyn (Kulmiye 5, UCID 3, Wadani 3).

Doorashada golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama aan la qaban, tan iyo wixii ka dambeeyey 29-kii September ee 2005-tii.

The post Wararkii ugu dambeeyey iyo Xisbiga ku horreeya natiijada doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this