Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabid sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in markii uu Madaxweynaha dhegaystay talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, isla markaana uu tixgeliyay aqoonta uu u leeyahay howshan, uu Cumar Daa’uud Khaliif u magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa faray mas’uulkan la magacaabay inuu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabid sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this