Deeq A. Posted June 3, 2021 Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay bam-gacmeed xalay lagu weeraray bar-kantarool oo ku taalla magaalada Kismaayo, sida laga soo xigtay laamaha Amniga Jubaland. Bam-gacmeedka ayaa sida wararku sheegayan fiidnimadii xalay lagu tuuray Isgooyska Soomaali Istaar ee gudaha Kismaayo, halkaas oo ah bar-kantarool oo laga sugo Amniga magaalada. Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay, todoba kalena waa ku dhaawacmeen bam-gacmeedka, waxaana durba goobta hawlgal ku tegay ciidanka Booliiska Jubaland. Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan weerarada ka dhaca magaalada Kismaayo. The post Weerar khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites