Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashada Iyo Degmooyin Cusub Oo Lagu Dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah, ee doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka kala ah, Ceelafweyn, Caynaba, Oodweyne, Baligubadle iyo Sheekh.

Natiijada hordhaca ah ee degmada ceel afweyn xisbiga KULMIYE ayaa hoggaaminaya oo  helay 5 xildhibaan halka xisbiyada UCID iyo WADDANI ay ka heleen kuraas siman oo ah 3 iyo 3 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee degmada Caynaba xisbiga KULMIYE ayaa hogaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, xisbiga UCID ayaa kusoo xiga oo helay 3 xildhibaan halka xisbiga Waddani uu ka helay 2 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee degmada Oodweyne xisbiga WADDANI ayaa hogaaminaya oo ka helay 6 xildhibaan, xisbiga KULMIYE ayaa kusoo xiga oo ka helay 4 xildhibaan halka xisbiga UCID uu ka helay 1 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee degmada Baligubadle xisbiga KULMIYE ayaa hogaaminaya oo ka helay 4 xildhibaan, xisbiga WADDANI ayaa ku xiga oo helay 3 xildhibaan halka xisbiga UCID uu ka helay 2 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee degmada Sheekh xisbiyadu waxay ka heleen tiro xildhibaano ah oo simaan oo xisbi kasta 3 xildhibaan ayuu ka helay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this