Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ka hadashay rasaas lagu riday gaadiid uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20210602-231946.jpg?resize=

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in aysan ula kac ahayn rasaastii lagu furay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Asluubta ayaa tilmaamay in rasaastaas si kedis ah oo aan ula kac ahayn u fureen ciidamo ka tirsan Asluubta Soomaaliya oo ilaalo hayay.

Sidoo kale Gen. Mahad ayaa raalli-gelin ka bixiyay rasaasta ay ciidamada Asluubtu ku rideen gaadiid uu la socday Xasan Shiikh Maxamuud.

PUNTLAND POST

The post DFS oo ka hadashay rasaas lagu riday gaadiid uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this