Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaadiid uu la socday madaxweyne hore ee Soomaaliya oo lagu rasaaseeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
20210602_185435.jpg?resize=720%2C559&ssl

Wararka ka imanaya magaaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta la rasaaseeyay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gaadiidka uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in aysan wax khasaare ah ka dhalan rasaastaas.

Agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa bar kantarool ku leh ciidamo ka tirsan Asluubta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin dhacdadan oo ku soo aaday xili dhawaan xal laga gaaray rabshadihii Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa sanadihii dambe ku soo badanayay ciidamada rasaas la beegsado gaadiidka mas’uuliyinta.

PUNTLAND POST

The post Gaadiid uu la socday madaxweyne hore ee Soomaaliya oo lagu rasaaseeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this