Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo Baarlamanka uga mahadceliyay Ansixinta Xukuumadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariyeen Xukuumada Cusub.

Madaxweynaha ayaa sheegay  in howlo waa weyn ay horyaalan Xukuumadan oo ay kamid yihiin hormarinta dhaqaaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul dadaajinta isagoo xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door Wanaagsan ka qaadanayaan dardar galinta shaqada ay tahay in xukuumadu ay ku qabato mustaqbalka dhow iyadoo kaashanaysa Bulshada Jubaland.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah leh si loo gaaro himilooyinka shacabka ree Jubaland ee dhismaha Dowladnimo u adeegta danahooda.

Madaxweynaha ayaa gaba gabadii gudoonka Golaha iyo Xildhibaanadaba ku amaanay sida ay u fududeeyeen in howlahaas baaxada leh ay Xukuumadan Cusub guda gasho.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo Baarlamanka uga mahadceliyay Ansixinta Xukuumadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this