Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo gilgilay magaalada Kabul

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, 12 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo is xig-xiga oo maanta ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistaan.

Hamid Rushan oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Afganistaan ayaa sheegay in laba qarax oo xiriir ah ay ka dhaceen galbeedka magaalada Kabul, halkaas oo uu ka dhashay qasaara isugu jira dhimasho dhaawac badan.

Qarax saddexaad ayaa ka dhacay xarun koronto oo ku taal waqooyiga magaalada Kabul, kaas oo geystay qasaara ballaaran sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan waaxda tamarta iyo korontada ee dowladda Afganistaan oo lagu magacaabo Sangar Niazai.

Qaraxyada ayaa lala bartilmaameedsaday goobaha ay ku badan yihiin shiicada laga tirade badan yahay ee ku nool dalka Afganistaan, mana jirto cid sheegatay in ay ka dambeysay weerarradan.

PUNTLAND POST

The post Qaraxyo gilgilay magaalada Kabul appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this