Sign in to follow this  
Deeq A.

DP Word Oo Iibinaysa Saamiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Wararka PP) — Shirkadda DP World ayaa go’aansatay inay saamiyo iibiso si ay u kobciso dhaqaalaheeda, sida uu wariyay warsidaha Indian Ocean Newsletter.

Shirkaddu waxay diiradda saaraysaa maalgeliyayaasha Afrikaanka ah. Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ayay DP World u adeegsanaysaa ololaha ay ku kordhinayso raasamaalkeeda. Warbixin hantidhowr oo ay shirkaddu soo saartay bishii Maarso 2021 ayay ku xustay in faa’iidada ay samayso uu ku yimid hoos-u-dhac 29%.

DP World waxay kale oo olole sharciyeed ka waddaa Maraykanka si go’aankii dhexdhexaadinta ka soo baxay dhexdhexaadiyeyaal ka tirsan maxkamad London ku taalla u noqdo mid ka fula Maraykanka si hanti Jabuuti leedahay loo siiyo DP World oo ku doodday in Jabuuti heshiis ka baxday.

Sanadkii hore ayay DP World gabi ahaanba ka baxday sayladda saamiyada lagu kala iibsado ee Nasdaq. Ma cadda sida shirkaddu ugu guuleysan karto saami iibinta xilli ay bannaanka ka joogto sayladaha waaweyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddan heshiisyada DP World la gashay maamullada Puntland iyo Somaliland.

© Puntland Post, 2021

The post DP Word Oo Iibinaysa Saamiyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this