Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiraya cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Cidan.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay soo gaaray caasimadda Garoowe, ayaa saaka ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweyne Deni, ayaa Qardho tababar ugu soo xiraya cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland oo ku sugan Xerada Tababarka Ciidanka ee Xorgoble Qardho.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maalmaha soo socda sii joogi doona magaalada Qardho. halkaas oo uu ku soo xiri doono barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo ka socda Qardho iyo degmooyin kale.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiraya cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this