Deeq A. Posted June 1, 2021 Ninka Isha la’ ee laf dhuun gashay ku noqday Israa’iil Cod laga duubay dagaalyahannada Xamaas oo digniin culus u dirayay Israa’iil ayaa bishaan la shaaciyay. Xamaas ayaa Israa’iil uga digtay haddii aysan dalabkooda fulinin inay “cawaaqib xumo la kulmi doonan.” Codka la baahiyay ayaa la sheegay inuu lahaa Mohammed Deif, oo ah hogaamiyaha garabka militari ee Xamaas. Deif oo ka mid ahaa xubnaha Xamaas ee ay Israa’iil sida weyn u baadi goobayso ayaa markii ugu horreysay muddo todobo sano ah codkiisa shaaciyay. Ugu yaraan 242 qof ayaa lagu diley Qaza, sida ay sheegtey Qaramada Midoobay, 13 qof ayaa lagu diley ku dhimatay Israa’iil intii lagu jirey dagaalladii socday 10-21-kii May. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 129 ka mid ah dadka lagu diley Qaza ay ahaayeen rayid. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 200 ay ahaayeen dagaalyahano. Hogaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar, wuxuu sheegay in tirada dagaalyahanada ladilay ay gaarayaan 80. Ugu yaraan laba isku day oo lagu doonayay in lagu dilo Deif ayaa la sameeyay intii uu socday iskahorimaadka, sida uu sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil u xaqiijiyay BBC. “Waxay haysteen liis ay ku qoran yihiin dad ay rumaysan yihiin inay si gaar ah muhiim ugu yihiin awoodda militariga ee Xamaas,” ayuu falanqeeyaha amniga Bariga Dhexe Matthew Levitt u sheegay BBC. Liiskaas ayaa waxa ugu sareeya Mohammed Deif. ‘Martida’ Marinka Qaza Inta badan waxa laga ogyahay Deif waa warbixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa’iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deif uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii. Maxamed Diab Ibrahim al-Masri ayaa loo bixiyay markii uu dhashay balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deif, oo macnaheedu yahay “marti”.. Wax badan lagama oggo barbaarintiisii iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe. Deif wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah xilligii la aasaasay Xamaas, markuu ku biiray kooxda dabayaaqadii 1980-kii. Isagoo u heellan iska caabin hubaysan oo ka dhan ah Israa’iil, Deif wuxuu si dhakhso leh uga dhex muuqday qaybta militariga ee Xamaas, Guutooyinka Izzedine al-Qassam. Intii lagu guda jiray 2000 wuxuu ka badbaaday afar isku day oo ay Israa’iil ku dili rabtay, sida la sheegay uu ka baxsaday isagoo dhaawacyo qaba, qaarkood halis ah. Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawac soo gaaray uu ishiisa ku waayay. Taliyihii hore ee sirdoonka Israa’iil ayaa shaaciyay halista dhaawacyada Deif kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday guriga xubin katirsan Xamaas 2006-dii. Isku daygii shanaad ee lagu bartilmaamsanayay nolosha Deif ayaa yimid intii lagu jiray dagaalkii Xamaas iyo Israa’iil dhexmaray 2014-kii. Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday guri ku yaal xaafadda Sheekh Radwan ee Qaza, halkaas oo ay ku dishay xaaskii Deif, Widad, iyo wiilkooda yar, Cali. Israa’iil waxay sheegtay inay dishay Deif. Wax yar kadib, Xamaas waxay tiri “Deif wali wuu noolyahay wuuna hogaaminayaa howlgalka militari” ee kadhanka ah Israa’iil. ‘Mid gaar ah’ oo leh door muhiim ah Maalin ka hor inta uusan dhammaan khilaafa, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Deif uu amrayo hawlgallada milatari ee ka socda Qaza. Waxaa la rumeysan yahay inuu xilka sii hayay tan iyo markii xabad joojinta ay dhaqan gashay. Sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Israa’iil ayaa BBC u sheegay in dadaalka Israa’iil ay ku baadi goobayso Deif uu socdo, laakiin uusan la wadaagi karin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan howlgalka sirta ah. Maxaad ka taqaanaa Xamaasta dagaalka culus kula jirta Israa’iil? Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay 1987 ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go’an in ay burburiso Israa’iil. Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada. Hase yeeshee kadib markii ay Israa’iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax. Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa’iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go’doomiyay marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada. Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa’iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites