Deeq A. Posted May 31, 2021 Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay maanta oo isniin in muwadiniinteeda loo ogolaaay inay dhali karaan hadda kadib 3 carruur ah. Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu qeyb ka yahay siyaasadda guud ee wax looga qabanaayo Gabowga kusoo badanaaya dadka Shiinaha . Dowladda ayaa intaas ku dartay inay taageeri doonto hirgeinta go’aankaan cusub. Dowladda Shinaha ayaa 2016-kii ogolaatay in la dhali karo 2 carruur kadib markii ay yaraadeen dhalinyarada dalkaas. Waxaa xusid mudan in dowladda Shiinuhu mamnuucday 1979-kii in la dhalo hal cunug ka badan, si looga yareeyo kororka dadka Shiinaha. PUNTLAND POST The post Dowladda Shiinaha oo laashay sharci ku saabsan Dhalmada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites