Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ingiriiska oo dib u dejin u samaynaysa boqolaal qof oo u dhashay Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Britain ayaa shaacisay qorsheyaal si degdeg ah dib u dejin loogu sameynayo boqollaal qof oo Afghanistan u dhashay, kuwaas oo la soo shaqeeyay militariga Britain iyo dowladdooda, badankoodna waxay ahaayeen tarjumaanno.

In ka badan 3,000 oo Afghanistan u dhashay iyo qoysaskooda ayaa la filayaa in loo oggolaado in ay ku noolaadaan UK, iyadoo ay hore dalkaasi u joogeen illaa 1,300 oo kale.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli loo baqayo ammaankooda maaddaama ciidamada caalamiga ah ay isku diyaarinayaan in ay isaa baxaan dalkaas.

Xoghayaha Difaaca UK, Ben Wallace, ayaa sheegay inay “sax tahay” in la dedejiyo qorshooyiinka.

Wuxuu intaas ku daray in dadka dib u dejinta loo sameynayo ay yihiin kuwa khatarta kala kulmaya kooxda.

Arrinta ayaa ahayd walaac taagan, tan iyo markii ciidamada Britain ay soo afjareen howlgallo ay ka wadeen gobolka Helmand, sannadkii 2014.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ingiriiska oo dib u dejin u samaynaysa boqolaal qof oo u dhashay Afghanistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this