Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo maanta dib ugu laabanaya Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo geba-gabeeyay safarkiisi Muqdisho, kadib markii heshiis rasmiya laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa in uu dib ugu soo laabto Puntland, islamarkaana uu guda-galo wax ka beddelka xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaalka.

Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay ayaa qodob kamid ah qeexayay in isbeddel lagu sameeyo xubnaha ka tirsan guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo cabasho laga muujiyay.

Xubnaha cabashada laga muujiyay ayaa u badan shaqaale ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo loo arko in aysan dhex-dhexaad noqon karin.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo maanta dib ugu laabanaya Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this