Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobaha codaynta ee bariga Hargeysa oo laga dayrinaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

20210531_073730-1-300x225.jpg

 

Badiba goobaha mihiimka ah ee laga codaynaayo ee ku yaala bariga Hargeisa ayaa codayntu uga bilaabmatay si khariban tusaale ahaan waxa ay badi codbixintu ay bilaabmatay wakhti ka danbeeya xilugii loogu talo galay sidoo kale waxa jira markii ay bilaabmatay in ayna waxba kala soconaynin oo dadku ay taagnaanayaan uun wax si ah a aan cidna loo sheegaynin.

Ta ugu daran oo aan cidna ka warqabin ayaa ah in markii dadku ay tageen goobahii codaynta ay la kulmeen iyada oo goobtii loo kala jajabiyay qaybo, tusaale ahaan hadii uu magacaagu ka bilaamaayo A,B,C, D. Meel laga codaynaayo Xarfaha ayaa dhinac la isu raaciyay iyada oo ay sidaasi rahay hadii magacaagu M-Ka caayo tusaale ahaan Maxamed magacaagu ma yaalo meel qudhaata ee dhowr goobood ayuu yaalaaagac kastaana waa sidaasi waa arun aad saaka loogu dawakhay oo ayna gudiga doorashooyinku ayna sii sheegin isla markaasina saaka lagu waabariistay.

Habkani waa hab fudud hadii dadka loo sii sheegi lahaa waxana ka muuqda jahawareer iyo dib u dhac xoogan oo ay dadkii ku dawakheen, mar aan xubnaha muraaqibiinta wax ka waydiiyay in ay habkan xuruufta ay sii ogaayeen wax ay ii sheegeen in aan Gudiga doorashooyinka iyo xisbiyadu midna noo sheegin.

Goobaha ugu darnaa waxa ka mid ah waaxda Gacanlibaax kaalinta Alshugri Ex- ina Galan kaslinta ina Afdiinle goobta Hodan Hills iyo goobo kaleba inkasta oo ay wax hada socdaan hadana waa silic

Waxa aan eegi doonaa sida ay hawshu u socoto saacadaha fooda inagu soo haya

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this