Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo xidhay xuduudaha, Cirka, Dhulka iyo Badda+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
 Somaliland Oo xidhay xuduudaha, Cirka, Dhulka iyo Badda+Sababta
 sl-logo.png

War qoraal oo ka soo baxay xafiiska ciidama booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in la joojiyay isu-socodka gaadiidka guud ahaan noocyadooda kala duwan.

Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in la xidhay dhammaan xuduudaha Cirka, dhulka iyo badda.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland ayaa u dhigna sidan “Ciidanka Booliska Somaliland wax ay la socod siinayaan guud ahaanba shacabka Somaliland in la joojiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka kala duwan, isla-markaasna ay xidhan yihiin xududaha Dhulka, Cirka iyo Badduba, laga bilaabo caawa 3:00am illaa 6:00-pm ee 31-ka May.

Kaliya waxa dhaq-dhaqaaqa loo ogolyahay haadiidka haysta ruqsadda lambarka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Waxa lagu adkaynayaa laamaha ammaanku inay si buuxda u fuliyaan awaamiirtaas kor-ku-xusan ciddii ka hor timaada gacan bir ah ku qabtaan”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this