Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix qof oo lagu dilay hoobiye ku habsaday xaflad aroos

Recommended Posts

Deeq A.   

Lix qof oo lagu dilay hoobiye ku habsaday xaflad aroos

8d1845b1-dca7-452d-961d-32b7fec5d4cc_w10

Ugu yaraan lix qof oo rayid Afghani ah ayaa la dilay tiro kalana waa la dhaawacay kadib markii hoobiye uu ku habsaday guri ay ka socotay xaflad aroos, sidaasina waxaa Axadda maanta ah sheegay saraakiisha amniga.

Qaraxa oo dhacay fiidnimadii Sabtida ayaa ka dhacay degmada Tagab ee waqooyiga gobolka Kapisa, halkaasi oo ay ka dhacaan dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Afghanistan iyo kuwa Taliban.

Afhayeenka booliska gobolka, Shayeq Shoresh, ayaa ku eedeeyay kooxda Taliban in ay soo gantay hoobiyaha, wuxuuna intaa ku daray in ugu yaraan lix qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur la dilay halka afar kalena la dhaawacay.

Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan waaxda amniga ee Kabul ayaa tirada dhimashada ku sheegay ugu yaraan 10 qof, iyo 18 dhaawac ah.
Afhayeen u hadlay Taliban ayaa eedda iska fogeeyay waxaana uu sheegay in hoobiyaha ay tuureen ciidamada amniga.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this