Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 5 Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dulleedka Magaalada Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Wararka ka imaanaya duleedka magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa ku warramaya in goor dhaweyd uu halkaasi ka dhacay shil khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo laga helayo shilkaasi.

Wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in ay isku dhaceen Gaadhi bas ah isla Markaasn siday dad rakaab iyo Gaadhi yar oo nooca raaxada ah, waxaana ka dhashay khasaaro badan oo soo gaadhay dadkii saarnaa.

Inta la xaqiijiyay 5 qof oo rakaabka ka mid ahaa ayaa ku dhintay, waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, waxaana wararku intaa ku darayaan in gurmad loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi, iyadoo xaruumaha Caafimaadka la gaadhsiiyay dad dhaawacyo culus qaba, kuwaasi oo laga dayrinayo xaaladooda Caafimaad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this