Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Dagaal Oo Ku Burburtay Magaalada Benqaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta dalka Libiya ayaa waxaa sheegeen in Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa Mig-21 ay maalintii shalay oo sabti aheyd ku burburtay Magaaladda Benqaasi ee Bariga dalkaasi.

Duuliyihii Diyaaradda oo lagu magacaabi jirey Jamaal Bin Caamir ayaa ku geeriyooday shilkaasi oo ka dhacay Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Baniiyna ee ku yaalla Magaaladda Benqaasi.

Diyaaradda ayaa qeyb ka ahayd Dhoolatus Milliteri oo ay Kooxda Mrashal Khaliifa Xaftar ugu dabaal-degayeen 7 guuradii la soo wareegtay Hawlgalkooda Milliteri ee ay ugu magac dareen Hawlgalkii Karaamada lahaa.

Marshal Xaftar ayaa goobjoog ka ahaa Dhoolatuskaasi.

PUNTLAND POST

The post Diyaarad Dagaal Oo Ku Burburtay Magaalada Benqaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this