Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Murashixiinta oo kulan saagootin ah u sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
3-20.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa xalay ay kulan sagootin ah Muqdisho ugu sameeyeen Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed ee Muqdisho uga qeyb galay shirkii lagu gaaray heshiiska doorashada.

Kulanka oo ka dhacay mid kamid ah Hoteelada ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid ay ugu mahad celinayeen maadaama ay gaareen heshiis la xiriira khilaafka ka taagnaa doorashada.

Munaasabadda sagootinta oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale ayaa loogu mahad celiyay Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana Musharixiinta ay ka dalbadeen madaxda inay fududeeyaan dhaqan gelinta heshiiska.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay munaasabada sagootinta madaxda maamulada, ayaa adkeeyay dhaqangelinta heshiiska doorashada, isaga oo balanqaadey in ay si weyn ugu taageereyaan saxiixayaasha fulinta arrinkaas.

PUNTLAND POST

The post Midowga Murashixiinta oo kulan saagootin ah u sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this