Deeq A. Posted May 29, 2021 sawir hore weeye Hal gabar ayaa ku geeriyootay, shan ruux oo kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo caawa ka dhacay halkii laga raray Kantaroolka Galbeed ee magaalada Garoowe. Gaariga shilka galay oo ahaa nooca loo yaqaan PL-ka ayaa ka yimid dhinaca degaanka Laacdheere, waxaana saarnaa dad gaaraya 10 ruux. Shanta ruux oo dhaawacmay midkood ayaa xaaladiisu liidataa waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe. Dareewalkii gaariga waday oo markii hore cararay ayaa haatan Booliisku xaqiijiyeen in gacanta lagu dhigay islamarkaana su’aalo laga weydiinayo sida shilkan u dhacay. PUNTLAND POST The post Shil khasaare gaystay oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites